-------
Miyaad Doonayasaa Inaad libsato, Kiraysato,
ama Cusboonaysiiso Aqal la Dhisay Ka Hor
1978?
G
uryo iyo abaartameentooyin badan ee la dhisay ka hor 1978
ayaa qaba rinji uu ku badan yahay leedhka (kaasoo loogu
yeedho rinjiga leedhka wata). Leedhka rinjiga
ku jira, jibiska iyo boodhka waxaa ay keen!
karaan halls caafimaad haddii aan laga
H © HI taxaddirin.
Milkiileyaasha, libsadeyaasha iyo Kireesteyaasha
waxaa la dhiirigelinayaa inay iska baaraan leedhka
(Eg bogga 6aad) inta aney kireysan, ibsan ama
cusbonaysiin aqalladala dhisay ka hor 1978.
Sharciga federaalka ayaa doonaya in shaqsiyaadka la siiyo
macluumaad ka hor inta aanney kiraysan, iibsan
ama cusboonaysiin aqallada la dhisay ka hor 1978.
MILKIILEYAASHA waxaa laga doonayaa in ay soo
bandhigaan macluumaadka ee ku saabsan halista
rinjiga leedhka uu ku jiro inta aanney kiraynin .
Caqdiga kirada waa in lagu caddeeyaa rinjiga
leedhka uu ku jiro.
SALE
=""==»««=
I
1
Jh.
IIBIYEYAASHA waa in ay shaaca ka qaadaan
macluumaadka ay og yihiin ee ku saabsan halista
rinjiga leedhka uu ku jiro inta aanney iibin aqalka.
Qandaraaska iibka waa in lagu caddeeyaa haddii
uu aqalka qabo rinjiga leedhka. libsadeyaasha waa
in muddo 10 cisho gudahood isaga eegaan
leedhka.
CUSBOONAYSIYEYAASHA ka shaqaynaya in ka
badan laba fiit oo wareeg ah oo saqafka rinjiyeysan
waa inay ku siiyaan qoraalkan inta aanney shaqadu
billaabin.
-------
Muhiimad !
Leedhka Ranjiga, Boodhka, iyo Ciidda
Halis Badan Ayuu Keeni Karaa Haddii
Aan La Xakameyn
CADDAYN: Leedhku wuxuu dhibaato u
geysan karaa carruurta iyo
dhalaanka xitaa inta aysan
dhalan.
CADDAYN: Carruur kuula muuqata in ay
caafimaad qabaan ayaa leedhka
laga dhex heli karaa dhiigooda
CADDAYN: Liidku jirka dadku wuxuu u soo
maraa neefsashada ama liqid boor
leedh leh, ama cunid carro ama
jajab ringi leh leedh.
CADDAYN: Dadku wuxuu u madax
banaanyahay sidii uu isaga
yareyn lahaa khatarta leedhka.
Xaaladaha badankood rinjiga ka
sameysan leedhka, balse ku
sugan xaalada wannaagsan ma
laha wax khatar ah.
CADDAYN: Xaaqida ama baabi'inta rinjiga leh
leedhka oo aan loo raacin si cilmi ku
dhisan waxay kordhin kartaa
khatarta caafimaadka qoyska.
Haddii aad ka cabsi qabtid in gurigaagu uu leeyahay halista
rinijga leedhka, akhri buugan si aad u baratid talaabooyin
fudud aad ku ilaalisid caafimaadkiinna.
-------
Leedhku Si Kala Duwan Ayuu dhka ugu
Gudbaa
Sunta carruurta
leedhka ka soo
gaaro waa
mushkilad
caafimaadka
dabiiciga ee
Maraykanka
haysta
Dadku waxaa uu leedhku jidhkoodu
gali garaa haddii:
Ay ku dhex neefsadaan boodhka
leedhka leh (qaasatan waqtiga
cusboonaysiinta ee wax yeelaya
rinjiga saqafayada dusha sare).
Gacmahooda ama afkooda geliyaan
waxyaabo leh boodh leedh wata.
Ay cunaan jajabka ranjiga ama
ciidda leh leedhka.
Xittaa carruurta
u eg inay
caafimaad
qabaan waxaa
jidhkooda ku jiri
kara leedh
heerkiisu
sarreeyo.
Leedhku wuxuu aad khatar ugu
yahay carruurta 6 jir ka yar:
Maskaxda yo habdhiska
dareemayaasha carruurta waxay u
nugul yihiin raad reebka sunta
leedhka.
Carruurta koreysa jirkoodu aad buu
u dhuuqaa leedhka.
Carruurta badanaaba waxay
gacmahood iyo waxyaaba kale
galiyaan afkooda. Waxyaabahaa
waxaa guudkooda dabooli kara
boor leedh leh.
Leedhku waxaa uu xitta qatar u yahay gabdhaha
qaangaara ee carruurta dhali kara:
Haweenka uu jidhkoodu ku jiro heerar sare oo leedh ah ka
hor inta aanney uurka qaadin, waxaa uu leedhku u gudbi karaa
ilmaha caloosha ku jira.
-------
Dhibaatooyinka uu carruurtu ku reebi karo leedhka:
Waa muhiim in la ogaadaa, xittaa carruurta uu dhiigoodu ku
yar yahay leedhka, waxaa uu ku reebi karaa xannuun iyo
kadeed kale oo ay ka mid yihiin.
Carruurta, waxaa uu leedhka u keeni karaa:
Dhaawac xagga maskaxda iyo hab dhiska dareemayaasha
jirka.
Dhibaato xagga waxbarashada iyo dabeecadda dad la
dhaqanka (sida fudeed iyo wax maqal la'aan).
Dhibaato xagga hadalka, luqadda , iyo dhaqanka.
Qaabka murqaha ay u shaqeeyaan oo xun.
Hoos u dhac korriinka.
Dhibaato xagga maqalka dhagaha (dhagool).
lyadoo ay aad u badan tahay dadka in yar leedhka uu gaaro,
heerarka sare ee leedhka qatar wayn ayuu u gaysan karaa
carruurta, oo ay ku jiraan qalal, suuxdin, iyo, mararka
qaarkood, dhimasho.
Leedhku
Inkastoo ay carruurta u nugul yihiin qatarta leedhka, siyaalo badan
sidoo kale dadke wayn halis ayeey u tahay. ayuu jidhka u
Sidoo kale leedhka dadka waaweyn wuxuu u y
geystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:
Kadeed iyo dhib fara badan haweenka uurka leh.
Dhaawac uu u gaysto dhallaanka uurka ku jiraan.
Dhibaatooyin habdhiska taranka ee Ragga iyo Haweenka.
Dhiig Kar.
Dhibaato habdhiska dheefshiidka.
Dhibaato hab dhiska dareemayaasha jirka.
Dhibaato xagga xasuusta iyo feejignaanta (sida fahmidda).
Murqo iyo guntimo (isgooyada jirka) xannuun.
-------
Xaggee Baa Laga Helaa Rinjiga Leedhka Ka
Samaysan
Guud ahaan, inta
uu gurigaagu duq
yahay, waxay dfu
badan tahay inuu
rinjiga leedhka
qabo.
Aqallo badan oo la dhisay ka hor 1978, ayaa
waxay leeyihiin rinjiga ka sameysan Leedhka.
Dowladda dhexe ayaa joojisay isticmaalka rinjiga
ka sameysan leedhka sannadkii 1978. Gobollada
qaarkood ayaa joojiyay ka hor sannadkaa. Leedhka
waxaa laga heli karaa:
Aqallada ka dhisan magaalada, duleedka
magaalada, iyo kuwa la xiriira baadiyaha.
Abaartmentayaasha, guryaha qoysaska, iyo
aqallada dadweynaha iyo kuwa qaaskaba.
Gudaha iyo dibedda aqalka.
Ciidda ku wareegsan aqalka dulleedkiisa.
Ka Hubi Qoyskaaga Halista uu
Leedhku Leeyahay
Aqalkaaga
iyo
carruurtaada
haddii aad
moodaysid,
ka baar
heerarka sare
ee leedhka
Si aad uga yareysid carruurtaada khatarta leedhku
leeyahay waan in dhiigooda la baraa, sidoo kala
isna guriga waan in la baraa (gaar ahaan haddii
guriga lagu rinjiyeeyay rinji leh leedh badan ama
la dhisay ka hor 1978), si loo yareeyo khatarta ka
imaan karta.
Heerka leedhka dhiigga carruurta ku jira ayaa suuragal
ah inuu aad sare ugu kaco laga billaaabo 6 illaa 12
bilood, uuna aad u sii kaco 18 illaa 24 bilood.
Sidaas darted waan in aad la tashataa
takhtarkaaga caruurta. In yaroo dhiig ah oo laga
qaado ayaa lagu ogaan karaa heerka u marayo
leedhka ku jira dhiiga caruurtaada:
caruurta da'doodu tahay 1 iyo 2 sano.
Dhammaan caruurta ama ka tirsanayaasha
qoyska, kuwaas oo ku noolaa aqal uu ku badanaa
leedhka.
Carruurta la doonayo in laga baaro leedhka sida
ku cad qorshaha baaritaanka goblkaaga ama
degmadaada.
Takhtarkaaga ayaa kuu sharixi doona jawaabta dhiiga iyo haddii loo
baahan yahay in lagaa qaado dhiig kale.
4
-------
Tilmaanta Halista Leedhka
Rinjiga leedhka ka samaysan badanaaba halis ma
laha haddii xaaladdiisu wanaagsan tahay, uusanna
marsanayn saqafyada sare, sida daaqadaha.
Waxaa ay dowladda federaalka ku micnaysaa in
rinjiga leedh leeyahay haddii heerkiisu ka badan
yahay ama la mid yahay 1.0 milligram santimitir Leedhka ku
afar geesood ah, ama miisaankiisu ka badan yahay .. . . . .
0.5%. jirajajaoka
Rinjiga leedhka ka samaysan oo xaaladdiisu sii J. 9 **
xumanayso (diirmo, fiiqmo, dildilaac ama arkl KartO iyO
halaaba) waa midka khatarta leh una baahan bOOTka 3311
talaabo ka qaadid deg-deg ah.. Sidoo kale waa milUCianba
qatar haddii uu marsan yahay saqafka sare ayna lahariuha '
carruurta calaajin karaan ama halaysn yahay, sida: dOdllUUd
halis
Daaqadaha iyo xakabada daaqada. raafimaari
Albaabada iyo wareega albaabka. 3V66V wataan
Jaranjarada, daaradda, iyo deydka.
Boodhka Leedhka wuxuu sameysmaa marka
Rinjiga leedhka ka sameysan oo qalalay la xoqo, noqdo carro qalashay,
ama la kululeeyay. Boorku sidoo kale wuxuu sameysmaa marka shey lagu
garaaco ama la xoqo sagxaddii rinjiga la mariyay. Jajabka leedhka iyo
boorkiisaba waxaan ka heli karnaa sagxadaha ama shey kale ee uu gaaray
firirka rinjiga, kaasoo dadku gacanta ku taaban karaan. Boorka leedhka ee
meel dagay, wuxuu dib u soo noqon karaa marka leysku dayo in la xaaqo,
ama dadku ku kor socdaan.. Labadan xeer ee federaalka ayaa loo
sameeyey halista boorka leedhka:
40 maykaroograam afar-geesood laban laaban (ug/ft2) iyo ka badan
dabaqyada sare, oo uu ku jiro dhulka kaarbetka leh.
250 ug/ft2 ama ka badan gudaha xakabad daaqadda.
Leedhka carrada wuxuuu noqon karaa mid halis ah marka carruurtu ay ku
ciyaaraan carro qaawan oo aan caws kore laheen ama carro la socota
kabaha dadka soona galiyaan guriga. Labadan xeer ee federaalka ayaa loo
sameeyey halista boorka leedhka:
400 qaybood malyankiiba (ppm) iyo ka badan goobta lagu cayaaro ee
carrada qaawan.
1,200 ppm (qiyaastii) iyo ka badan inta ka hartay goobta carrada
qaawan.
Sida kaliya lagu ogaan karo halista leedhka ranjiga, boorka iyo carrada waa
iyadoo la baaro. Bogga soo socda ayaa sheegaya qaababka kala duwan ee
lagu baaro.
-------
Ka Hubinta Aqalkaaga Leedhka
ugaanta in
aqal uu qabo
ranjiga
leedhka kuu
sheegi mayso
haddii ay
halis jirto.
Siyaalo kala duwan ayaad aqalkaaga uga baari
kartaa leedhka:
~ Baaritaan ranji ayaa kuu sheegi kara haddii
aqalkaagu qabo ranji leedh ka smaysan iyo halka uu
ku yaal. Kuuma sheegayo haddii uu aqalkaagu
haatan leeyahay halis leedh ah.
~ Qiimaynta Heerka Qatarta waxay ku sheegeysaa
haddii ay jiraan ilo khatar ah oo soo gudbinayaa
leedhka suntiisa sida qolfaha rinjiga iyo habaaska
leedhka leh. . Waxaa kaloo uu kuu sheegayaa
talaabadii laga qaadi karo khatartaas..
~ Isku dar ah qiimaynta halista iyo baaritaanka ayaa
kuu sheegaya haddii aqalkaagu qabo halis ranjiga
leedhka, iyo halka ranjiga leedhka uu marsan yahay.
Qoro xirfadle u tababaran kaasoo adeegsanaya
habab isku xiran marka uu aqalkaaga baarayo.
~ Baaris Indha-indheyn barta rinjiga iyoxaaladi.
~ Qalab raajo (x-ray) oo leh iftiin wax cawira.
~ Sheybaar leh noocyo rinjiyo kala
duwan,qalabka lagu tijaabiyo sagxadda
boorka leh iyo carrada.
Waxaa jira barnaamijyo goboleed iyo kuwo federaali
ah ee lagu xaqiijinayo in si huban aan halis lahayn
wax loo baaro. La xiriir hay'adda gobolkaada ama
deegaankaada. (eeg bogga 11 hoostiisa) si aad
macluumaad dheeraad u heshaa, wac 1-800-424-
LEAD (5323) oo aad u heshaa liiska deegaankaaga.
Waxaa la helaa xirmo (kit) loo isticmaalo tijaabo-
guri ee leedhka, balse cilmi baaris la sameeyay
ayaa muujisay in badanaaba uu sax aheyn.
Macmiilku waa in aysan isku halayn xirmadani (kit) ka
hor inta eysan sameyn dib-u cusbooneysiinta
aqaladood.
-------
Maxaad Samayn Kartaa si aad u
Dhawrtid Caafimaadka Qoyskaada
Haddii aad ka shakisid in aqalkaagu leeyahay
qatarta leedhka, waxaad qaadi kartaa
talaabooyin degdeg ah si aad u yareyso qatarta
qoyskaaga ka soo gaaraysa:
~ Haddii aqalku kiro yahay, u sheeg qofka iska
leh ama mas'uul ka ah in uu aqalku leeyahay
diirkac, dildilaac, ama jajab rinji ah..
~Si dhaqsa ah u nadiifi rinjiga jajabkiisa..
~ Nadiifi sagxadda dhulka, meegaarka daaqada,
xakabada daaqada, iyo todobaad kasta.
Isticmaal xaaqin burush leh ama isbuunyo leh
biyo diiran iyo guud ahaan wax kasta oo wax
lagu nadiifiyo ama u gaar ah leedhka..
XASUUSO: MARNA HA ISKU QASIN
WARAKIINO IYO AMMOONIYA MAADAAMA AY
SAMAYN KARAAN GAAS HALIS AH.
~ Gabi ahaan biyo raaci madaxa xaaqinka
kaddib marka aad meelaha boorka iyo
wasaqda leh ku nadiifisid.
~ Dhaq gacmaha carruurta, gaar ahaan kahor
cunta cunidda iyo hurdada habeenkii iyo
maalintiiba.
~ Mar kastaba meelaha lagu ciyaaro waa in ay
nadiif ahaataa.. Dhaq dhalada caanaha, iyo
waxyaaba caruurta lagu cayaarsiiyo.
~ Ka ilaali carruurta in ay calaliyaan
daaqada xakabadeed ama sagxad
kasta oo rinji leh.
~ Nadiifi ama siib kabaha inta aadan soo
galin guriga, si loo hakiyo leedhka-
ciida la socda in uusan u soo gudbin
gudaha aqalka.
~ Hubi in ay carruurtu cunaan cuno
nafaqo leh, dufankuna ku yar yahay,
kuna badan tahay birta iyo
kaalshiyamka, sida khudaarta isbiinashka iyo waxyaabaha caanaha
laga suubiyo. Carrurta cunta cuno dheelitiran jirkoodu ma dhuuqayo
leedh badan.
-------
Dhimista Halista Leedhka Gudaha Aqalka
Si qalad ah oo
loo xoqo
leedhka
waxaa ay
siyaadin
kartaa halista
kaga soo
aadaysa
qoyskaada.
Marwalba
adeegso xirfadle
ku taqasusay
xoqista leedhka.
Nadaafad joogta ah iyo dheefin fiican waxaa raaca:
~ Si ku meel gaar ah ahaan waad ku dhimi
kartaa halista leedhka adigoo tallaabo qaadaya,
sida dayactirka dhaawaca soo gaaray sagxadihii
la rinjiyeeyay iyo caws lagu abuuro ciida leh leedh
farabadan. Talaabooyinkan oo lagu magacaabo
(maamulid ku meel gaar ah) waa kuwo xal ku
meel gaar ah qaba, una baahan feejignaan joogta
ah.
~ Si loogu sameeyo minguurin joogta ah
leedhka halista ah, waa in aad kireysataa
qandaraasle shahaado u leh baabi'inta ama
yareenta leedhka. Yareenta (ama baabi'inta
halista joogtada ah) hababka loo adeegsado
waxaa ka mid ah xaaqitaan, daboolitaan ama
xiritaan lagu sameeyo rinjiga ka sameysan
leedhka iyadoo la isticmaalayo qalab gaar ah.
Kuma filna in rinjiga halista ah la kormariyo rinji
caadi ah.
Mar kastaba kireyso qof tababar gaar ah u leh
looguna talagalay saxitaanka dhibaatooyinka
leedhka, lehna qalabka u gaarka ah nadiifinta
guud. Qandaraaslaha Shahaadada qaba ayaa
shaqaaleynaya shaqaale xirfaddan leh oo waliba
si adag u raacaya xeerarka ay dowladda
federaalka dajisay..
Mar haddii shaqada la dhammeystiro, hawlaha
nadaafadda boorka waa in lagu celceliyaa illaa
baaritaanka uu tilmaamo in heerka boorka
leedhka leh uu ka yaryahay:
~ 40 maykaroograam afar-geesood laban laaban
(ug/ft2) iyo ka badan dabaqyada sare,oo uu ku jiro
dhulka kaarbetka leh;
~ 250 ug/ft2 ama ka badan gudaha xakabad
daaqadda. iyo
~ 400 ug/ft2 daaqadaha..
Waxaad wacdaa hay'adda goblkaada ama
deegaankaada (eeg hoosta bogga 11 aad) si aad
u heshaa saacidaad ah helitaanka khabiirrada
shahaadada leh ee deegaankaaga iyo haddii uu
jiro gargaar lacageed..
8
-------
Dibu Jadiidin ama Cusbonaysin Aqalka
leh Rinjiga Leedhka ka
Samaysan
Ka digtoonow ka horqandaraaslahaaga ama ka
hor inta aadan bilaabin dib ujadiidinta ama
cusbooneysiinta kaasoo qayiraya sagxadihii la
rinjiyeeyay (sida rinjiga oo la xoqo ama darbiga oo
la diiro).
Waa in sagxadaha aqalka laga tijaabiyo
rinjiga ka sameysan leedhka.
Ha u isticmaalin in aad ku baabi'isid rinjiga
ka sameysan leedhka qalabka ey ka mid
yihiin: - darbi xoqe, warqada carada leh ee
wax lagu xoqo, qori wax lagu kululeeyo, iwm.
. Isticmaalka qalabkan wuxuu abuuri karaa boor
iyo qaac badan oo leh sunta leedhka. Markaa
boorka leedhku wuxuu ku nagaan karaa aqalka
muddo dheer kaddib marka shaqada la
dhameeyo.
~ Si ku meel gaar ah ka guuri qooyskaaga
(qaasatan carruurta iyo haweenka uurka leh)
meel ka baxsan abartameentada ama aqallada
illaa ay shaqada ka dhammaato halkaana si
wanaagsan loo nadiifiyo. Haddii aadan guuri
Karin qoyskaaga, waa in ugu yaraan si xooggan
loo daboolaa halka ay shaqada ka socoto.
Haddii aan
si habboon
loo sameyn,
cusboonaysi
inta
qaarkoood
waxay ku sii
dayn karaan
hawada ranji
iyo boor.
Raac qiyaasaha badbaadada ee lagu
yaraynayo halista leedhka. Waxaad heli kartaa
habab kale oo lagu yareen karo leedhka marka
aad wacdid 1-800-424-LEAD (5323). Waydiiso
buugga yar ee ka hadlaya "yareenta khatarta
leedhka marka aad gurigaa ku sameynayso dib
u jadiidin" Buuggani waxaa uu ku sharxayaa
waxyaabaha aad qaban kartid ka hor,
islamarkaa iyo kaddib cusbooneysiinta
aqalkaaga.
Haddii aad horay u dhameysay dib u jadiidinta iyo
cusbooneysiinta lagana yaabo in uu sii daayo
sunta leedhka ama boor, waa in carruurtaada la baraa adigoo raacaya
talaabooyinka aan ku soo sheegnay booga 7aad ee buuggan.
-------
llaha Kale ee Leedhka Laga Helo
lyadoo rinjiga,
boorka, iyo carrada
ay yihiin
waxyaabaha
leedhka laga helo,
waxaa jira
waxyaabo kale ee
leedhka laga helo.
~ Biyaha la cabo. Waxaa laga yaabaa in
aqalkaagu leeyahay qasabado leedh leh ama
alxan leh leedh. Wac waaxda caafimaadka
ee degmadaada ama qaybta biyo qaybinta si
loo hubiyo biyahaaga. Lama arki karo, lama
dha-dhamin karo, lamana urin karo leedhka,
kuna bixi maayo karin la karkariyo biyaha.
Haddii aad ka cabsi qabtid qasabadahaaga
in ay leeyihiin leedh.:
• U isticmaal kaliya biyaha qaboob
cabitaan iyo raashin.
• Inta aadan cabin biyaha, ha socdeen
muddo dhan 15 ilaa 30 il-
biriqsi.qaasatan ahaan haddii aadan
isticmaalin biyaha dhawrsaacadood.
• ~ Shaqada. Haddii ay shaqadaadu tahay
leedhka, waad keeni kartaa aqalkaaga,
lisagoo soo raacaya gacmahaaga iyo
dharkaagaba. Soo mayro, iskana soo baddel
dharka shaqada ka hor inta aadan imaan
aqalka. Si gooni ah u kala dhaq dharka
shaqada iyo kuwa kale ee qoyskaaga.
~ Rinjiga waa hore la mariyay qalabka carruurta
lagu cayaarsiiyo (Toys) iyo Alaabta guriga la
dhigto (furniture).
~ Alaabta cuntada iyo biyaha lagu kaydiyo oo ka
sameysan Leedhka ama dhari la mariyay rinjiga
leedh ka sameysan..
• ~ Leedh dhalaaliya ama warshadaha
hawada ku sii daaya leedhka.
~ Qofka Hiwaayadiisu tahay in uu isticmaalo
leedhka, sida sameynta dharyaha ama
koobabka la xardho, ama baabi'in qalab ka
sameysan leedhka.
• ~ Dawo dhaqmeed oo ka sameysan leedh
sida "Greta iyo azarcon" oo lagu daaweeyo
caloosha kacsan.
10
-------
Warbixin Dheeraad ah
Xarunta Warbixinta Leedhka ee Qaranka
Wac 1-800-424-LEAD (424-5323) si aad u
baratid sida aad kaga difaaci lahayd
carruurtaada sunta leedhka iyo warbixinno
kale oo ku saabsan halista leedhka. (bogga
internetka: www.epa.gov/lead iyo
www.hud.gov/lead/).
EPA's Taleefanka Ururka Daryeelka Biyaha
La Cabo
Wac 1-800-426-4791 si aad u heshaa
macluumaad ku saabsan leedhka ku jira biyaha
la cabo.
Taleefanka Consumer Product Safety
Commission (CPSC) Hotline
Si aad u codsataa macluumaad la
xiriira alaabta uu leedhka ku jiro,
ama aad soo wargelisaa alaab halis
ah ama dhaawac alaab ay sababtay,
wac 1-800-638-2772, ama booqo
bogga internetka ee CPSC's
www.cpsc.gov.
Hay'adaha Caafimaadka iyo Dabiiciga
Magaalooyinka qaarkood, gobollada, yo qabaa'illada ayaa qaba
sharciyo u gaar ah ee la xiriira hawlaha rinjiga leedhka ka
samaysan. Ka eeg hay'adda deegaankaada si aad u eegto
sharciga ku saamaynaya. Hay'adaha badankood waxay bixin
karaan macluumaad shirkadaha ka shaqeeya baabi'inta rinjiga
leedhka ee deegaankaada, iyo macluumaad la xiriira gargaarka
lacageed ee baabi'inta halista leedhka. Waxaad ka heshaa
cinwaan cusub iyo macluumaad taleefan ee xiriirka
deegaankaada bogga internetka www.epa.gov/lead
ama la soo xiriir Macluumaadka Qaranka Leedhka Xaruneeda
Warbixinta 1-800-424-LEAD.
Dadka maqalka ka liita, waca Adeegga Macluumaadka Federaalka
1 -800-877-8339 si aad u heshaa taleefoonnada buugan ku yaal.
11
-------
Xafiisyada Gobolka ee EPA
Xafiiska Gobolka EPA ayaa macluumaad dheeraad ah kaa siin
kara shuruucda iyo barnaamijyada ka badbaadka leedhka.
EPA Regional Offices
Region 1 (Connecticut, Massachusetts,
Maine, New Hampshire, Rhode Island,
Vermont)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 1
Suite 1100 (CRT)
One Congress Street
Boston, MA 02114-20231
(888) 372-7341
Region 2(New Jersey, New York,
Puerto Rico, Virgin Islands)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 2
2890 Woodbridge Avenue
Building 209, Mail Stop 225
Edison, NJ 08837-3679 (732)
321-6671
Region 3 (Delaware, Maryland,
Pennsylvania, Virginia, Washington DC,
West Virginia)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 3 (3WC33)
1650 Arch Street
Philadelphia, PA 19103
(215)814-5000
Region 4 (Alabama, Florida, Georgia,
Kentucky, Mississippi, North Carolina,
South Carolina, Tennessee)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 4
61 Forsyth Street, SW
Atlanta, GA 30303
(404) 562-8998
Region 5 (Illinois, Indiana, Michigan,
Minnesota, Ohio, Wsconsin)
Regional Lead Contact U.S.
EPA Region 5 (DT-8J) 77
West Jackson Boulevard
Chicago, IL 60604-3666
(312)886-6003
Region 6 (Arkansas, Louisiana, New
Mexico, Oklahoma, Texas)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 6
1445 Ross Avenue, 12th Floor
Dallas, TX 75202-2733
(214)665-7577
Region 7 (Iowa, Kansas, Missouri,
Nebraska)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 7
(ARTD-RALI)
901 N. 5th Street
Kansas City, KS66101
(913)551-7020
Region 8 (Colorado, Montana, North
Dakota, South Dakota, Utah, Wyoming)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 8
999 18th Street, Suite 500
Denver, CO 80202-2466
(303)312-6021
Region 9 (Arizona, California, Hawaii,
Nevada)
Regional Lead Contact
U.S. Region 9
75 Hawthorne Street
San Francisco, CA 94105
(415)947-4164
Region 10 (Alaska, Idaho, Oregon,
Washington)
Regional Lead Contact
U.S. EPA Region 10
Toxics Section WCM-128
1200 Sixth Avenue
Seattle, WA 98101-1128
(206)553-1985
12
-------
Xafiisyada Gobolka ee CPSC
Xafiiska Gobolkaaga ee CPSC ayaa ku siin kara macluumaad
dheeraad ah ee la xiriira shuruucda iyo badbaadada alaabta
macmiilka
Eastern Regional Center Western Regional Center
Consumer Product Safety Commission Consumer Product Safety Commission
201 Varick Street, Room 903 1301 Clay Street, Suite 610-N
New York NY 10014 Oakland, CA 94612
(212)620-4120 (510)637-4050
Central Regional Center
Consumer Product Safety Commission
230 South Dearborn Street, Room 2944
Chicago, IL 60604
(312)353-8260
Xafiiska HUD ee Leedhka
Fadlan kala xiriir Xafiiska HUD ee Caafimaadka Aqallada iyo
Xakameynta Halista Leedhka si aad u heshaa macluumaad la
xiriira shuruucda leedhka, dadaalka looga hortagayo, iyo
xakameynta halista leedhka iyo maalgelinta barnaamijyada cilmi
baarista.
U.S. Department of Housing and Urban Development
Office of Healthy Homes and Lead Hazard Control 451
Seventh Street, SW, P-3206
Washington, DC 20410
(202)755-1785
Warbixintani waa mid shacabeed. Dib ayeey ha'yadi u samayn kartaa iyadoon
fasax loo qabin. Macluumaadka buuggani waxaa uu salaysan yahay fahamka
waqti xaadirka ah ee sayniska iyo farsamada ee arrimaha la soo bandhigay
waxaana uu hoos imaanaya shuruucda hay'adaha ay qusayso. Raacitaanka
talada la bixiyay ma bixinayso badbaado buuxda markasta ama halista
caafimaadka ka imaan karta leedhka.
U.S. EPA Washington DC 20460 EPA747-K-99-001
U.S. CPSC Washington DC 20207 June 2003
U.S. HUD Washington DC 20410
13
-------
Haddii aad moodid in aqalkaadu leeyahay
leedh farabadan:
Carruurta ka baar leedhka xittaa haddii ay u eg-yihiin in
ay caafimaad qabaan.
Dhaq gacmaha carruurta, dhalooyinka iyo waxyaabaha
caadivan laau civaarsiivo.
~ Hubi in carruurtu cunaan raashin caafimaad leh,
oo subagga ku yar.
Aqalkaaga ka baar halista leedhka.
~ Caadiyan nadiifi dhulka, daaqadaha, iyo
saqafyada dushooda.
~ Ka jaf carrada kabahaada inta aadan aqalka soo
galin.
~ Kala hadal cidda aqalka iska leh in ay
hagaajiyaan saqafyada dushooda fiiqmo ama
rinjiga jibin (chipping).
Ka taxaddir boodhka leedhka wata marka aad wad
dib u habaynaysid (wac 1-800-424-LEAD si aad u
heshaa tilmaamo).
Ha isticmaalin suunka wax lagu xoqo, baastooladc
wax lagu kuleeyo, xoqe, ama warqadda carrada kc
suubsan ee lagu xoqo meesha rinjiyaysan ee
leedhka qabi karta.
------- |