------- Miyaad Doonayasaa Inaad libsato, Kiraysato, ama Cusboonaysiiso Aqal la Dhisay Ka Hor 1978? G uryo iyo abaartameentooyin badan ee la dhisay ka hor 1978 ayaa qaba rinji uu ku badan yahay leedhka (kaasoo loogu yeedho rinjiga leedhka wata). Leedhka rinjiga ku jira, jibiska iyo boodhka waxaa ay keen! karaan halls caafimaad haddii aan laga H © HI taxaddirin. Milkiileyaasha, libsadeyaasha iyo Kireesteyaasha waxaa la dhiirigelinayaa inay iska baaraan leedhka (Eg bogga 6aad) inta aney kireysan, ibsan ama cusbonaysiin aqalladala dhisay ka hor 1978. Sharciga federaalka ayaa doonaya in shaqsiyaadka la siiyo macluumaad ka hor inta aanney kiraysan, iibsan ama cusboonaysiin aqallada la dhisay ka hor 1978. MILKIILEYAASHA waxaa laga doonayaa in ay soo bandhigaan macluumaadka ee ku saabsan halista rinjiga leedhka uu ku jiro inta aanney kiraynin . Caqdiga kirada waa in lagu caddeeyaa rinjiga leedhka uu ku jiro. SALE =""==»««= I 1 Jh. IIBIYEYAASHA waa in ay shaaca ka qaadaan macluumaadka ay og yihiin ee ku saabsan halista rinjiga leedhka uu ku jiro inta aanney iibin aqalka. Qandaraaska iibka waa in lagu caddeeyaa haddii uu aqalka qabo rinjiga leedhka. libsadeyaasha waa in muddo 10 cisho gudahood isaga eegaan leedhka. CUSBOONAYSIYEYAASHA ka shaqaynaya in ka badan laba fiit oo wareeg ah oo saqafka rinjiyeysan waa inay ku siiyaan qoraalkan inta aanney shaqadu billaabin. ------- Muhiimad ! Leedhka Ranjiga, Boodhka, iyo Ciidda Halis Badan Ayuu Keeni Karaa Haddii Aan La Xakameyn CADDAYN: Leedhku wuxuu dhibaato u geysan karaa carruurta iyo dhalaanka xitaa inta aysan dhalan. CADDAYN: Carruur kuula muuqata in ay caafimaad qabaan ayaa leedhka laga dhex heli karaa dhiigooda CADDAYN: Liidku jirka dadku wuxuu u soo maraa neefsashada ama liqid boor leedh leh, ama cunid carro ama jajab ringi leh leedh. CADDAYN: Dadku wuxuu u madax banaanyahay sidii uu isaga yareyn lahaa khatarta leedhka. Xaaladaha badankood rinjiga ka sameysan leedhka, balse ku sugan xaalada wannaagsan ma laha wax khatar ah. CADDAYN: Xaaqida ama baabi'inta rinjiga leh leedhka oo aan loo raacin si cilmi ku dhisan waxay kordhin kartaa khatarta caafimaadka qoyska. Haddii aad ka cabsi qabtid in gurigaagu uu leeyahay halista rinijga leedhka, akhri buugan si aad u baratid talaabooyin fudud aad ku ilaalisid caafimaadkiinna. ------- Leedhku Si Kala Duwan Ayuu dhka ugu Gudbaa Sunta carruurta leedhka ka soo gaaro waa mushkilad caafimaadka dabiiciga ee Maraykanka haysta Dadku waxaa uu leedhku jidhkoodu gali garaa haddii: Ay ku dhex neefsadaan boodhka leedhka leh (qaasatan waqtiga cusboonaysiinta ee wax yeelaya rinjiga saqafayada dusha sare). Gacmahooda ama afkooda geliyaan waxyaabo leh boodh leedh wata. Ay cunaan jajabka ranjiga ama ciidda leh leedhka. Xittaa carruurta u eg inay caafimaad qabaan waxaa jidhkooda ku jiri kara leedh heerkiisu sarreeyo. Leedhku wuxuu aad khatar ugu yahay carruurta 6 jir ka yar: Maskaxda yo habdhiska dareemayaasha carruurta waxay u nugul yihiin raad reebka sunta leedhka. Carruurta koreysa jirkoodu aad buu u dhuuqaa leedhka. Carruurta badanaaba waxay gacmahood iyo waxyaaba kale galiyaan afkooda. Waxyaabahaa waxaa guudkooda dabooli kara boor leedh leh. Leedhku waxaa uu xitta qatar u yahay gabdhaha qaangaara ee carruurta dhali kara: Haweenka uu jidhkoodu ku jiro heerar sare oo leedh ah ka hor inta aanney uurka qaadin, waxaa uu leedhku u gudbi karaa ilmaha caloosha ku jira. ------- Dhibaatooyinka uu carruurtu ku reebi karo leedhka: Waa muhiim in la ogaadaa, xittaa carruurta uu dhiigoodu ku yar yahay leedhka, waxaa uu ku reebi karaa xannuun iyo kadeed kale oo ay ka mid yihiin. Carruurta, waxaa uu leedhka u keeni karaa: Dhaawac xagga maskaxda iyo hab dhiska dareemayaasha jirka. Dhibaato xagga waxbarashada iyo dabeecadda dad la dhaqanka (sida fudeed iyo wax maqal la'aan). Dhibaato xagga hadalka, luqadda , iyo dhaqanka. Qaabka murqaha ay u shaqeeyaan oo xun. Hoos u dhac korriinka. Dhibaato xagga maqalka dhagaha (dhagool). lyadoo ay aad u badan tahay dadka in yar leedhka uu gaaro, heerarka sare ee leedhka qatar wayn ayuu u gaysan karaa carruurta, oo ay ku jiraan qalal, suuxdin, iyo, mararka qaarkood, dhimasho. Leedhku Inkastoo ay carruurta u nugul yihiin qatarta leedhka, siyaalo badan sidoo kale dadke wayn halis ayeey u tahay. ayuu jidhka u Sidoo kale leedhka dadka waaweyn wuxuu u y geystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin: Kadeed iyo dhib fara badan haweenka uurka leh. Dhaawac uu u gaysto dhallaanka uurka ku jiraan. Dhibaatooyin habdhiska taranka ee Ragga iyo Haweenka. Dhiig Kar. Dhibaato habdhiska dheefshiidka. Dhibaato hab dhiska dareemayaasha jirka. Dhibaato xagga xasuusta iyo feejignaanta (sida fahmidda). Murqo iyo guntimo (isgooyada jirka) xannuun. ------- Xaggee Baa Laga Helaa Rinjiga Leedhka Ka Samaysan Guud ahaan, inta uu gurigaagu duq yahay, waxay dfu badan tahay inuu rinjiga leedhka qabo. Aqallo badan oo la dhisay ka hor 1978, ayaa waxay leeyihiin rinjiga ka sameysan Leedhka. Dowladda dhexe ayaa joojisay isticmaalka rinjiga ka sameysan leedhka sannadkii 1978. Gobollada qaarkood ayaa joojiyay ka hor sannadkaa. Leedhka waxaa laga heli karaa: Aqallada ka dhisan magaalada, duleedka magaalada, iyo kuwa la xiriira baadiyaha. Abaartmentayaasha, guryaha qoysaska, iyo aqallada dadweynaha iyo kuwa qaaskaba. Gudaha iyo dibedda aqalka. Ciidda ku wareegsan aqalka dulleedkiisa. Ka Hubi Qoyskaaga Halista uu Leedhku Leeyahay Aqalkaaga iyo carruurtaada haddii aad moodaysid, ka baar heerarka sare ee leedhka Si aad uga yareysid carruurtaada khatarta leedhku leeyahay waan in dhiigooda la baraa, sidoo kala isna guriga waan in la baraa (gaar ahaan haddii guriga lagu rinjiyeeyay rinji leh leedh badan ama la dhisay ka hor 1978), si loo yareeyo khatarta ka imaan karta. Heerka leedhka dhiigga carruurta ku jira ayaa suuragal ah inuu aad sare ugu kaco laga billaaabo 6 illaa 12 bilood, uuna aad u sii kaco 18 illaa 24 bilood. Sidaas darted waan in aad la tashataa takhtarkaaga caruurta. In yaroo dhiig ah oo laga qaado ayaa lagu ogaan karaa heerka u marayo leedhka ku jira dhiiga caruurtaada: caruurta da'doodu tahay 1 iyo 2 sano. Dhammaan caruurta ama ka tirsanayaasha qoyska, kuwaas oo ku noolaa aqal uu ku badanaa leedhka. Carruurta la doonayo in laga baaro leedhka sida ku cad qorshaha baaritaanka goblkaaga ama degmadaada. Takhtarkaaga ayaa kuu sharixi doona jawaabta dhiiga iyo haddii loo baahan yahay in lagaa qaado dhiig kale. 4 ------- Tilmaanta Halista Leedhka Rinjiga leedhka ka samaysan badanaaba halis ma laha haddii xaaladdiisu wanaagsan tahay, uusanna marsanayn saqafyada sare, sida daaqadaha. Waxaa ay dowladda federaalka ku micnaysaa in rinjiga leedh leeyahay haddii heerkiisu ka badan yahay ama la mid yahay 1.0 milligram santimitir Leedhka ku afar geesood ah, ama miisaankiisu ka badan yahay .. . . . . 0.5%. jirajajaoka Rinjiga leedhka ka samaysan oo xaaladdiisu sii J. 9 ** xumanayso (diirmo, fiiqmo, dildilaac ama arkl KartO iyO halaaba) waa midka khatarta leh una baahan bOOTka 3311 talaabo ka qaadid deg-deg ah.. Sidoo kale waa milUCianba qatar haddii uu marsan yahay saqafka sare ayna lahariuha ' carruurta calaajin karaan ama halaysn yahay, sida: dOdllUUd halis Daaqadaha iyo xakabada daaqada. raafimaari Albaabada iyo wareega albaabka. 3V66V wataan Jaranjarada, daaradda, iyo deydka. Boodhka Leedhka wuxuu sameysmaa marka Rinjiga leedhka ka sameysan oo qalalay la xoqo, noqdo carro qalashay, ama la kululeeyay. Boorku sidoo kale wuxuu sameysmaa marka shey lagu garaaco ama la xoqo sagxaddii rinjiga la mariyay. Jajabka leedhka iyo boorkiisaba waxaan ka heli karnaa sagxadaha ama shey kale ee uu gaaray firirka rinjiga, kaasoo dadku gacanta ku taaban karaan. Boorka leedhka ee meel dagay, wuxuu dib u soo noqon karaa marka leysku dayo in la xaaqo, ama dadku ku kor socdaan.. Labadan xeer ee federaalka ayaa loo sameeyey halista boorka leedhka: 40 maykaroograam afar-geesood laban laaban (ug/ft2) iyo ka badan dabaqyada sare, oo uu ku jiro dhulka kaarbetka leh. 250 ug/ft2 ama ka badan gudaha xakabad daaqadda. Leedhka carrada wuxuuu noqon karaa mid halis ah marka carruurtu ay ku ciyaaraan carro qaawan oo aan caws kore laheen ama carro la socota kabaha dadka soona galiyaan guriga. Labadan xeer ee federaalka ayaa loo sameeyey halista boorka leedhka: 400 qaybood malyankiiba (ppm) iyo ka badan goobta lagu cayaaro ee carrada qaawan. 1,200 ppm (qiyaastii) iyo ka badan inta ka hartay goobta carrada qaawan. Sida kaliya lagu ogaan karo halista leedhka ranjiga, boorka iyo carrada waa iyadoo la baaro. Bogga soo socda ayaa sheegaya qaababka kala duwan ee lagu baaro. ------- Ka Hubinta Aqalkaaga Leedhka ugaanta in aqal uu qabo ranjiga leedhka kuu sheegi mayso haddii ay halis jirto. Siyaalo kala duwan ayaad aqalkaaga uga baari kartaa leedhka: ~ Baaritaan ranji ayaa kuu sheegi kara haddii aqalkaagu qabo ranji leedh ka smaysan iyo halka uu ku yaal. Kuuma sheegayo haddii uu aqalkaagu haatan leeyahay halis leedh ah. ~ Qiimaynta Heerka Qatarta waxay ku sheegeysaa haddii ay jiraan ilo khatar ah oo soo gudbinayaa leedhka suntiisa sida qolfaha rinjiga iyo habaaska leedhka leh. . Waxaa kaloo uu kuu sheegayaa talaabadii laga qaadi karo khatartaas.. ~ Isku dar ah qiimaynta halista iyo baaritaanka ayaa kuu sheegaya haddii aqalkaagu qabo halis ranjiga leedhka, iyo halka ranjiga leedhka uu marsan yahay. Qoro xirfadle u tababaran kaasoo adeegsanaya habab isku xiran marka uu aqalkaaga baarayo. ~ Baaris Indha-indheyn barta rinjiga iyoxaaladi. ~ Qalab raajo (x-ray) oo leh iftiin wax cawira. ~ Sheybaar leh noocyo rinjiyo kala duwan,qalabka lagu tijaabiyo sagxadda boorka leh iyo carrada. Waxaa jira barnaamijyo goboleed iyo kuwo federaali ah ee lagu xaqiijinayo in si huban aan halis lahayn wax loo baaro. La xiriir hay'adda gobolkaada ama deegaankaada. (eeg bogga 11 hoostiisa) si aad macluumaad dheeraad u heshaa, wac 1-800-424- LEAD (5323) oo aad u heshaa liiska deegaankaaga. Waxaa la helaa xirmo (kit) loo isticmaalo tijaabo- guri ee leedhka, balse cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in badanaaba uu sax aheyn. Macmiilku waa in aysan isku halayn xirmadani (kit) ka hor inta eysan sameyn dib-u cusbooneysiinta aqaladood. ------- Maxaad Samayn Kartaa si aad u Dhawrtid Caafimaadka Qoyskaada Haddii aad ka shakisid in aqalkaagu leeyahay qatarta leedhka, waxaad qaadi kartaa talaabooyin degdeg ah si aad u yareyso qatarta qoyskaaga ka soo gaaraysa: ~ Haddii aqalku kiro yahay, u sheeg qofka iska leh ama mas'uul ka ah in uu aqalku leeyahay diirkac, dildilaac, ama jajab rinji ah.. ~Si dhaqsa ah u nadiifi rinjiga jajabkiisa.. ~ Nadiifi sagxadda dhulka, meegaarka daaqada, xakabada daaqada, iyo todobaad kasta. Isticmaal xaaqin burush leh ama isbuunyo leh biyo diiran iyo guud ahaan wax kasta oo wax lagu nadiifiyo ama u gaar ah leedhka.. XASUUSO: MARNA HA ISKU QASIN WARAKIINO IYO AMMOONIYA MAADAAMA AY SAMAYN KARAAN GAAS HALIS AH. ~ Gabi ahaan biyo raaci madaxa xaaqinka kaddib marka aad meelaha boorka iyo wasaqda leh ku nadiifisid. ~ Dhaq gacmaha carruurta, gaar ahaan kahor cunta cunidda iyo hurdada habeenkii iyo maalintiiba. ~ Mar kastaba meelaha lagu ciyaaro waa in ay nadiif ahaataa.. Dhaq dhalada caanaha, iyo waxyaaba caruurta lagu cayaarsiiyo. ~ Ka ilaali carruurta in ay calaliyaan daaqada xakabadeed ama sagxad kasta oo rinji leh. ~ Nadiifi ama siib kabaha inta aadan soo galin guriga, si loo hakiyo leedhka- ciida la socda in uusan u soo gudbin gudaha aqalka. ~ Hubi in ay carruurtu cunaan cuno nafaqo leh, dufankuna ku yar yahay, kuna badan tahay birta iyo kaalshiyamka, sida khudaarta isbiinashka iyo waxyaabaha caanaha laga suubiyo. Carrurta cunta cuno dheelitiran jirkoodu ma dhuuqayo leedh badan. ------- Dhimista Halista Leedhka Gudaha Aqalka Si qalad ah oo loo xoqo leedhka waxaa ay siyaadin kartaa halista kaga soo aadaysa qoyskaada. Marwalba adeegso xirfadle ku taqasusay xoqista leedhka. Nadaafad joogta ah iyo dheefin fiican waxaa raaca: ~ Si ku meel gaar ah ahaan waad ku dhimi kartaa halista leedhka adigoo tallaabo qaadaya, sida dayactirka dhaawaca soo gaaray sagxadihii la rinjiyeeyay iyo caws lagu abuuro ciida leh leedh farabadan. Talaabooyinkan oo lagu magacaabo (maamulid ku meel gaar ah) waa kuwo xal ku meel gaar ah qaba, una baahan feejignaan joogta ah. ~ Si loogu sameeyo minguurin joogta ah leedhka halista ah, waa in aad kireysataa qandaraasle shahaado u leh baabi'inta ama yareenta leedhka. Yareenta (ama baabi'inta halista joogtada ah) hababka loo adeegsado waxaa ka mid ah xaaqitaan, daboolitaan ama xiritaan lagu sameeyo rinjiga ka sameysan leedhka iyadoo la isticmaalayo qalab gaar ah. Kuma filna in rinjiga halista ah la kormariyo rinji caadi ah. Mar kastaba kireyso qof tababar gaar ah u leh looguna talagalay saxitaanka dhibaatooyinka leedhka, lehna qalabka u gaarka ah nadiifinta guud. Qandaraaslaha Shahaadada qaba ayaa shaqaaleynaya shaqaale xirfaddan leh oo waliba si adag u raacaya xeerarka ay dowladda federaalka dajisay.. Mar haddii shaqada la dhammeystiro, hawlaha nadaafadda boorka waa in lagu celceliyaa illaa baaritaanka uu tilmaamo in heerka boorka leedhka leh uu ka yaryahay: ~ 40 maykaroograam afar-geesood laban laaban (ug/ft2) iyo ka badan dabaqyada sare,oo uu ku jiro dhulka kaarbetka leh; ~ 250 ug/ft2 ama ka badan gudaha xakabad daaqadda. iyo ~ 400 ug/ft2 daaqadaha.. Waxaad wacdaa hay'adda goblkaada ama deegaankaada (eeg hoosta bogga 11 aad) si aad u heshaa saacidaad ah helitaanka khabiirrada shahaadada leh ee deegaankaaga iyo haddii uu jiro gargaar lacageed.. 8 ------- Dibu Jadiidin ama Cusbonaysin Aqalka leh Rinjiga Leedhka ka Samaysan Ka digtoonow ka horqandaraaslahaaga ama ka hor inta aadan bilaabin dib ujadiidinta ama cusbooneysiinta kaasoo qayiraya sagxadihii la rinjiyeeyay (sida rinjiga oo la xoqo ama darbiga oo la diiro). Waa in sagxadaha aqalka laga tijaabiyo rinjiga ka sameysan leedhka. Ha u isticmaalin in aad ku baabi'isid rinjiga ka sameysan leedhka qalabka ey ka mid yihiin: - darbi xoqe, warqada carada leh ee wax lagu xoqo, qori wax lagu kululeeyo, iwm. . Isticmaalka qalabkan wuxuu abuuri karaa boor iyo qaac badan oo leh sunta leedhka. Markaa boorka leedhku wuxuu ku nagaan karaa aqalka muddo dheer kaddib marka shaqada la dhameeyo. ~ Si ku meel gaar ah ka guuri qooyskaaga (qaasatan carruurta iyo haweenka uurka leh) meel ka baxsan abartameentada ama aqallada illaa ay shaqada ka dhammaato halkaana si wanaagsan loo nadiifiyo. Haddii aadan guuri Karin qoyskaaga, waa in ugu yaraan si xooggan loo daboolaa halka ay shaqada ka socoto. Haddii aan si habboon loo sameyn, cusboonaysi inta qaarkoood waxay ku sii dayn karaan hawada ranji iyo boor. Raac qiyaasaha badbaadada ee lagu yaraynayo halista leedhka. Waxaad heli kartaa habab kale oo lagu yareen karo leedhka marka aad wacdid 1-800-424-LEAD (5323). Waydiiso buugga yar ee ka hadlaya "yareenta khatarta leedhka marka aad gurigaa ku sameynayso dib u jadiidin" Buuggani waxaa uu ku sharxayaa waxyaabaha aad qaban kartid ka hor, islamarkaa iyo kaddib cusbooneysiinta aqalkaaga. Haddii aad horay u dhameysay dib u jadiidinta iyo cusbooneysiinta lagana yaabo in uu sii daayo sunta leedhka ama boor, waa in carruurtaada la baraa adigoo raacaya talaabooyinka aan ku soo sheegnay booga 7aad ee buuggan. ------- llaha Kale ee Leedhka Laga Helo lyadoo rinjiga, boorka, iyo carrada ay yihiin waxyaabaha leedhka laga helo, waxaa jira waxyaabo kale ee leedhka laga helo. ~ Biyaha la cabo. Waxaa laga yaabaa in aqalkaagu leeyahay qasabado leedh leh ama alxan leh leedh. Wac waaxda caafimaadka ee degmadaada ama qaybta biyo qaybinta si loo hubiyo biyahaaga. Lama arki karo, lama dha-dhamin karo, lamana urin karo leedhka, kuna bixi maayo karin la karkariyo biyaha. Haddii aad ka cabsi qabtid qasabadahaaga in ay leeyihiin leedh.: • U isticmaal kaliya biyaha qaboob cabitaan iyo raashin. • Inta aadan cabin biyaha, ha socdeen muddo dhan 15 ilaa 30 il- biriqsi.qaasatan ahaan haddii aadan isticmaalin biyaha dhawrsaacadood. • ~ Shaqada. Haddii ay shaqadaadu tahay leedhka, waad keeni kartaa aqalkaaga, lisagoo soo raacaya gacmahaaga iyo dharkaagaba. Soo mayro, iskana soo baddel dharka shaqada ka hor inta aadan imaan aqalka. Si gooni ah u kala dhaq dharka shaqada iyo kuwa kale ee qoyskaaga. ~ Rinjiga waa hore la mariyay qalabka carruurta lagu cayaarsiiyo (Toys) iyo Alaabta guriga la dhigto (furniture). ~ Alaabta cuntada iyo biyaha lagu kaydiyo oo ka sameysan Leedhka ama dhari la mariyay rinjiga leedh ka sameysan.. • ~ Leedh dhalaaliya ama warshadaha hawada ku sii daaya leedhka. ~ Qofka Hiwaayadiisu tahay in uu isticmaalo leedhka, sida sameynta dharyaha ama koobabka la xardho, ama baabi'in qalab ka sameysan leedhka. • ~ Dawo dhaqmeed oo ka sameysan leedh sida "Greta iyo azarcon" oo lagu daaweeyo caloosha kacsan. 10 ------- Warbixin Dheeraad ah Xarunta Warbixinta Leedhka ee Qaranka Wac 1-800-424-LEAD (424-5323) si aad u baratid sida aad kaga difaaci lahayd carruurtaada sunta leedhka iyo warbixinno kale oo ku saabsan halista leedhka. (bogga internetka: www.epa.gov/lead iyo www.hud.gov/lead/). EPA's Taleefanka Ururka Daryeelka Biyaha La Cabo Wac 1-800-426-4791 si aad u heshaa macluumaad ku saabsan leedhka ku jira biyaha la cabo. Taleefanka Consumer Product Safety Commission (CPSC) Hotline Si aad u codsataa macluumaad la xiriira alaabta uu leedhka ku jiro, ama aad soo wargelisaa alaab halis ah ama dhaawac alaab ay sababtay, wac 1-800-638-2772, ama booqo bogga internetka ee CPSC's www.cpsc.gov. Hay'adaha Caafimaadka iyo Dabiiciga Magaalooyinka qaarkood, gobollada, yo qabaa'illada ayaa qaba sharciyo u gaar ah ee la xiriira hawlaha rinjiga leedhka ka samaysan. Ka eeg hay'adda deegaankaada si aad u eegto sharciga ku saamaynaya. Hay'adaha badankood waxay bixin karaan macluumaad shirkadaha ka shaqeeya baabi'inta rinjiga leedhka ee deegaankaada, iyo macluumaad la xiriira gargaarka lacageed ee baabi'inta halista leedhka. Waxaad ka heshaa cinwaan cusub iyo macluumaad taleefan ee xiriirka deegaankaada bogga internetka www.epa.gov/lead ama la soo xiriir Macluumaadka Qaranka Leedhka Xaruneeda Warbixinta 1-800-424-LEAD. Dadka maqalka ka liita, waca Adeegga Macluumaadka Federaalka 1 -800-877-8339 si aad u heshaa taleefoonnada buugan ku yaal. 11 ------- Xafiisyada Gobolka ee EPA Xafiiska Gobolka EPA ayaa macluumaad dheeraad ah kaa siin kara shuruucda iyo barnaamijyada ka badbaadka leedhka. EPA Regional Offices Region 1 (Connecticut, Massachusetts, Maine, New Hampshire, Rhode Island, Vermont) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 1 Suite 1100 (CRT) One Congress Street Boston, MA 02114-20231 (888) 372-7341 Region 2(New Jersey, New York, Puerto Rico, Virgin Islands) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 2 2890 Woodbridge Avenue Building 209, Mail Stop 225 Edison, NJ 08837-3679 (732) 321-6671 Region 3 (Delaware, Maryland, Pennsylvania, Virginia, Washington DC, West Virginia) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 3 (3WC33) 1650 Arch Street Philadelphia, PA 19103 (215)814-5000 Region 4 (Alabama, Florida, Georgia, Kentucky, Mississippi, North Carolina, South Carolina, Tennessee) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 4 61 Forsyth Street, SW Atlanta, GA 30303 (404) 562-8998 Region 5 (Illinois, Indiana, Michigan, Minnesota, Ohio, Wsconsin) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 5 (DT-8J) 77 West Jackson Boulevard Chicago, IL 60604-3666 (312)886-6003 Region 6 (Arkansas, Louisiana, New Mexico, Oklahoma, Texas) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 6 1445 Ross Avenue, 12th Floor Dallas, TX 75202-2733 (214)665-7577 Region 7 (Iowa, Kansas, Missouri, Nebraska) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 7 (ARTD-RALI) 901 N. 5th Street Kansas City, KS66101 (913)551-7020 Region 8 (Colorado, Montana, North Dakota, South Dakota, Utah, Wyoming) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 8 999 18th Street, Suite 500 Denver, CO 80202-2466 (303)312-6021 Region 9 (Arizona, California, Hawaii, Nevada) Regional Lead Contact U.S. Region 9 75 Hawthorne Street San Francisco, CA 94105 (415)947-4164 Region 10 (Alaska, Idaho, Oregon, Washington) Regional Lead Contact U.S. EPA Region 10 Toxics Section WCM-128 1200 Sixth Avenue Seattle, WA 98101-1128 (206)553-1985 12 ------- Xafiisyada Gobolka ee CPSC Xafiiska Gobolkaaga ee CPSC ayaa ku siin kara macluumaad dheeraad ah ee la xiriira shuruucda iyo badbaadada alaabta macmiilka Eastern Regional Center Western Regional Center Consumer Product Safety Commission Consumer Product Safety Commission 201 Varick Street, Room 903 1301 Clay Street, Suite 610-N New York NY 10014 Oakland, CA 94612 (212)620-4120 (510)637-4050 Central Regional Center Consumer Product Safety Commission 230 South Dearborn Street, Room 2944 Chicago, IL 60604 (312)353-8260 Xafiiska HUD ee Leedhka Fadlan kala xiriir Xafiiska HUD ee Caafimaadka Aqallada iyo Xakameynta Halista Leedhka si aad u heshaa macluumaad la xiriira shuruucda leedhka, dadaalka looga hortagayo, iyo xakameynta halista leedhka iyo maalgelinta barnaamijyada cilmi baarista. U.S. Department of Housing and Urban Development Office of Healthy Homes and Lead Hazard Control 451 Seventh Street, SW, P-3206 Washington, DC 20410 (202)755-1785 Warbixintani waa mid shacabeed. Dib ayeey ha'yadi u samayn kartaa iyadoon fasax loo qabin. Macluumaadka buuggani waxaa uu salaysan yahay fahamka waqti xaadirka ah ee sayniska iyo farsamada ee arrimaha la soo bandhigay waxaana uu hoos imaanaya shuruucda hay'adaha ay qusayso. Raacitaanka talada la bixiyay ma bixinayso badbaado buuxda markasta ama halista caafimaadka ka imaan karta leedhka. U.S. EPA Washington DC 20460 EPA747-K-99-001 U.S. CPSC Washington DC 20207 June 2003 U.S. HUD Washington DC 20410 13 ------- Haddii aad moodid in aqalkaadu leeyahay leedh farabadan: Carruurta ka baar leedhka xittaa haddii ay u eg-yihiin in ay caafimaad qabaan. Dhaq gacmaha carruurta, dhalooyinka iyo waxyaabaha caadivan laau civaarsiivo. ~ Hubi in carruurtu cunaan raashin caafimaad leh, oo subagga ku yar. Aqalkaaga ka baar halista leedhka. ~ Caadiyan nadiifi dhulka, daaqadaha, iyo saqafyada dushooda. ~ Ka jaf carrada kabahaada inta aadan aqalka soo galin. ~ Kala hadal cidda aqalka iska leh in ay hagaajiyaan saqafyada dushooda fiiqmo ama rinjiga jibin (chipping). Ka taxaddir boodhka leedhka wata marka aad wad dib u habaynaysid (wac 1-800-424-LEAD si aad u heshaa tilmaamo). Ha isticmaalin suunka wax lagu xoqo, baastooladc wax lagu kuleeyo, xoqe, ama warqadda carrada kc suubsan ee lagu xoqo meesha rinjiyaysan ee leedhka qabi karta. ------- |