Shaqooyinka Qorshaha Dheeraadka ah ee EPA ee Yaraynta
Wasakhda Cimilada iyo Waxyeelada Caafimaadka ee Saliidka iyo
Gaasaska Dabiiciga ah: Sida looga Faaloonayo

•	Noofember 11, 2022- EPA waxay ku telinaynaa in la cusboonaysiiyo, xoojiyo oo la
balaadhiyo qorshaheeda Noofember 2021 ee lagu heleyo gunooyinka waawayn ee cimilada
iyo caafimaadka ee dhamaan dadka Maraykanka si loo yareeyo wasakhda methane iyo
wasakhda kale ee hawada ee waxyeelada leh ee ilaha cusub iyo hore ee waaxda shidaalka
iyo gaadka dabiiciga ah.

•	Waxaa jira laba dariiqo oo looga faaloonayo sharciga qorshaha dheeraadka ah ee EPA:

1.	Kaga faaloo qoraal: Marka qorshaha lagu baahiyo Duwaanka Federalka, shacabku
waxay haystaan ilaa Febraayo 13, 2023, inay qoraal ku soo gudbiyaan faalooyinkooda
EPA (ka eehg dhamaadka xaashida macluumaadka wixii tilmaamo ah).

2.	Faalooyinka dhagaysiga shacabka. EPA waxay qaban doonaan dhagaysi shacab oo
maqal iyo muuqaal ah Janaayo 10 iyo 11, 2023. Waa inaad wakhti hore isku duwaan
gelisaa si aad meesha uga hadasho.

o Macluumaadka isku duwaan gelida ka hadalka meesha waxaa lagu gelin doonaa
websaytka EPA kadib marka qorshaha lagu baahiyo Duwaanka Federalka. Qof
kasta oo hadlaya waxa la siin doonaa afar daqiiqo.

o OGGOW: Hadii aad u baahan tahay turjubaad luuqadeed ama qaabilaado kale,
fadlan u sheeg EPA todoba maalmood gudahood kadib marka qorshaha la
baahiyo, si Hay'ada ay kuu siiso adeegaas. Macluumaadka ku saabsan qaabilaada
macquulka ah waxaa laga heli doonaa tilmaamaha isku duwaan gelinda in
dhagaysiga laga hadlo ah.

o Faalooyinkaaga waxaa aad kaga hadli karetaa dhinacyo kala duwan oo qorshaha
ah, waxaa kamid ah saamaynta aad kala kulantay wasakhda waaxda shidaalka
iyo gaasta; sida aad doonayso in ELA ay uga jawaabto walaacyadan; sida EPA ay
uga jawaabayso walaacyadan marka la samaynayo sharciga; iyo dhanka farsamo
ee qorshahan. Faalooyinka EPA ku heshey qoraal waa la miisaan kuwa ay ku
heshay dhagaysiga shacabka.

Tilmaamaha gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee sharciga lagu taliyay ee EPA:

•	Marka aad soo dirayso faalooyinka EPA ee ku saabsan qorshaha dheeraadka ah, waxaa
muhiim ah inaad ku qorto faalooyinkaaga lambarka dhoket. Waa sida EPA u garan karto
faaladu sharciga ay ku socoto. Lambarka dhoketku ee loogu talo geley shuruucda lagu taliyay
ee waaxda shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah waa Docket ID No. EPA-HQ-OAR-2021-0317


-------
•	EPA waxay doorbidaa in faalada aad kusoo gudbiso onleyn ahaan Federal eRulemaking
Portal. Marka aad gasho daaqada EPA-HQ-OAR-2021-0317 ka baadh sanduuqa. Waxa uu ku
gayn doonaa linkiga dhoketka sharciga lagu talinayo. Linkigaas, waxaa ku yaala badhan ay ku
qoran tahay "Faalo." Guji badhankaas si aad u gudbiso faalooyinkaaga, ama waxa aad furtaa
linkiga, oo waxa aad isticmaashaa badhanka buluugaga ah ee dhanka midig ku yaala si aad u
geliso faaladaada.

•	Waxa aad sidoo kale u diri kartaa faalooyinkaaga qaababa soo socda:

o limeel: a-and-r-docket@epa.gov. Waxa ad raacisaa Docket ID No. EPA-HQ-OAR-
2021-0317 laynka cinwaanka fariinta.

o Faakis: (202) 566-9744. Ku qor faakiskaaga: Attention Docket ID No. EPA-HQ-OAR-
2021-0317.

o Boosta: U.S. Environmental Protection Agency, EPA Docket Center, Docket ID No.
EPA-HQ-OAR-2021-0317, Mail Code 28221T, 1200 Pennsylvania Avenue, NW,
Washington, DC 20460.

o Boosta Degdega ah/Gaynta/Gacan Ka Gaynta: EPA Docket Center, WJC West
Building, Room 3334, 1301 Constitution Avenue, NW, Washington, DC 20004.
Saacadaha ay shaqaynayso Xarunta Dhoket 8:30 subaxnimo - 4:30 galabnimo, Isniin
ilaa Jimce, marka laga tago ciidahada Federalka.

¦	Oggow: William Jefferson Clinton (WJC) West, sida dhismayaasha kale ee
xafiisyada federalka, waxaa uu leeyahay shuruudo amaan oo adag oo dadka
booqdayaasha ah. Si loo xaqiijiyo in laguu ogolaado inaad gasho, fad Ian baro
shuruudahan kahor inta aanad iman.

¦	Eeg macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Xarunta Dhoket EPA, oo waxaa
kamid ah tilmaamaha booqashada Qolka Akhriska Xarunta Dhoket.


-------